Saturday, January 21st, 2017
.

Akhriso Liiska Magacyada Musharaxiinta u Taagan Gudoomiyaha Baarlamaanka ee maanta midkood la xulan doono

,
Published on January 11, 2017 by   ·   No Comments

Waxaa maanta lagu wadaa in magaalada Muqdisho, gaar ahaan xarunta Baarlamaanka Somalia, ay ka dhacdo doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka cusub ee Somalia.

Musharaxiinta uu loolanka u dhexeeyo ayaa goordhow la filayaa inay hortagaan Xildhibaanada Baarlamaanka oo cododkooda uu noqon doono midka lagu soo baxaayo.

Musharaxiinta Saakay hortagi doona Baarlamaanka ee u sharaxan Guddoomiyenimada BFS, ayaa kala ah:

1-Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari).

2-C/fitaax Ibraahim Geeseey.

3-Idiris Cabdi Dhaqkhtar.

4-C/rashiid Maxamed Xidig.

Musharaxiintaani oo garab ka helaaya Madaxtooyada Somalia, Dowladaha deriska la ah Somalia iyo Maamul Goboleedka ayaa saacadihii ugu danbeeyay xusul duub ugu jiray uruurinta Xildhibaanada.

Dadka qaar ayaa saadaalinaaya in mar kale uu soo laaban doono Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka dhacay Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.

Lama oga Musharaxa ku guuleysan doona doorashada waxaase la filayaa in goordhow ay magaalada Muqdisho ka dhacdo doorashada oo iminkaba loo xiray waddooyinka.

Shabakada Allpuntland24.com
Xafiiska Wararka Garoowe
Email : Allpuntland24.com@gmail.com

.

Readers Comments (0)