Saturday, January 21st, 2017
.

DEG DEG: Dagaal Culus oo hada ka socda Magaalada Muqdisho iyo Warar Hordhaca oo Ka Soo Baxaya Dagaalkaasi..

,
Published on January 11, 2017 by   ·   No Comments

Warar hada nasoo gaaray Ayaa waxaa ay sheegayaan in Dagaal culus uu ka socdo Duleedka Waqooyi Ee Magaalada Muqdisho.

Dagaalka ayaa si toos ah uga socda Deegaanada Gubadleey iyo Nawaaxiga Garoonka Cisaley ayaa dagaalka uu ka socdaa waxaana dagaalka lagu qaaday Ciidamo ka tirsan Dowlada oo halkaas Fariisimo kulahaa.

Sidoo kale warar ayaa sheegaya in Deegaanka Galgalato uu ka socdo Dagaalka waxaan lamaqlayaa Rasaas culus oo halkaa ka dhaceys.

Ilaa hada si rasmi ah looma oga Cida weerartay Deegaanada Gubadley,Nawaaxiga Garoonka Cisaley iyo Galgalato oo dhamaantoo dhac dhanka waqooyi ee Magaalada Caasimadda Muqdisho.

Waxaa laga yaabaa in dagaal yahano ka tirsan Al Shabaab ay weerarkaasi ku qaadeen Deegaanadasi Duleedka Magaalada Muqdisho ku yaala oo ay fariisimo ku leeyihiin Ciidamada Dowlada Federaalka.

Shabakada Allpuntland24.com
Xafiiska Wararka Garoowe
Email : Allpuntland24.com@gmail.com

.

Readers Comments (0)