Saturday, January 21st, 2017
.

DEG DEG: Xiisad Culus oo Maanta Laga Soo Sheegayo Magaalada iyo Labada Ciidan oo Isku Horfadhiya..

,
Published on January 12, 2017 by   ·   No Comments

Wararka Saakay Ka imaanaya Magaalada Caabudwaaq ee Gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in halkaasi ay ka taagan tahay Xiisad dagaal oo dadka Magaaladaas ku nool walaac ka muujinayaan.

Xiisada la soo sheegayo caabudwaaq ayaa waxaa ay u dhaxeysaa Maleeshiyo Beeleed halkaa wada dega kuwaas oo Xalay dagaal culus uu magalaada ku dhaxmaray dagaalkaas oo dhaliyay qasaaro dhimasho iyo Mid dhaawac.

dhinaca kale waxaa socda is ku dayo ay wadaan waxgaradka Magaalada oo ay ku doonayaan in xiisada Dagaal ee Magaaladaas ka jirta ay ku xasiliyaan, inkastoo Magaalada abaabul dagaal iyo isku hub urursi xoogan uu ka socdo.

Shabakada Allpuntland24.com
Xafiiska Wararka Garoowe
Email : Allpuntland24.com@gmail.com

.

Readers Comments (0)